Home Wararka Maanta Sheekh Shariif Sh/ Axmed ” Ma rabno in Sharci daro wax Lagu...

Sheekh Shariif Sh/ Axmed ” Ma rabno in Sharci daro wax Lagu Maamulo.

0

Shir Jaraa’id oo caawa Muqdisho ku qabtay Gudoomiyaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Sheekh Sharif Sheekh Axmed oo ay Hareera Taaganyihiin Xasan Cali Khayre iyo C/raxmaan C shakuur Warsame ayaa si Kulul uga hadlay Doorashada dalka iyo Fadhiga Biri ee Xildhibaanada.

Midowga Musharaxiinta waxay diideen in Dowladaan ay ku dhaqaaqdo Muddo Kordhin.

Baarlamaanka iyo Madaxweynaha 2duba waatigooda waa dhamaadey mana la aqbali karo kudarsasho aan sharci aheyn, mana rabno waana dhibaato horleh.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa kasaaran masuuliyad in ay difaacaan Sharciga ayna gacmaha is qabsadan.

Ciidanka Qaranka oo maanta tahay sanad guuradooda in larabo beri in ay lagu mashquuliyo Xildhibaanada in ay jidadka u istaagaan, waxaana leenahay kafogaada in la idin adeegsado siyaasada.

Qofkii rabo in uu dalkaan xukumo waa in uu doorasho galo, wixii aan intaas aheyn cidna lagama yeeli doono.

 

Ad
Previous articleMidowga Musharaxiinta oo Goor dhaw Shir jaraa”id kaga hadli doona Kulan Golaha shacabka
Next articleBanaanbax Lagu Taageerayo Muddo Kororsi ayaa Abaabulkiisu Ka soconayaa Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here