Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Axmed oo Dhawaan kusoo laabtay Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa Bilaabay kulamo Xasasi ah oo ka Dhan ah Madaxweyne Xasan Shiikh.
Safarka Shiikh Shariif ayaa kusoo aday Xili Baarlamaanka Soomaaliya Aad kula Qaybsanyahay Baarlamaanka Soomaaliya ayaana Sadex Qaybood u kala jabay.
Kow kuwa Doonaaya inay Ridaan Xukuumada Xamse cabdi bare oo ay u arkaan inay noqotay Fadhiid aan Wax Qabad Wayn La imaan Taas oo Taladii Shaqadii Xukuumada Xasan Shiikh Gacanta ugu jiro.
Labo Kuwa uu Xasan Shiikh uu Balanka uga baxay Balankii Kadib Markii uu Marsaday kaarkii ansixinta Dastuurka Kuwaas oo aad U Gadoodsan Bilaabayna inay Shiikh Shariif La kulamaan Kuna Biiraan mucaaradka.
Sadex kuwa Diidan Maamul Xumada Gudoomiye Shiikh aadan madoobe kuwaas ok Doonaaya Xukumada Ka Hor in Shiikh Aadan Madoobe laga Tuuro Gudoonka Baarlamaanka.
Xildhibaanadaan Kala Socda ayaana Maalmihii Lasoo Dhaafay Kulamo Xasaasi ah la Qaatay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.
Xasan shiikh ayaana Lumiyay inta Badan Taageradii Dadka Reer Muqdisho Kadib Markuu Sadex Canshuur Oo kala Duwan Kusoo Rogay.
Dhanka Kale Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka War Helay Culayska Kusoo wajahan ayaa Bilaabay inuu Dhankiisa Bilaabay inuu Xildhibaanada Aaday Shariif oo La kulmo asagoo Codsaday inuu Fulinaayo Balanqaadyadii Hore.
Lama Oga Halka ay ku Danbayn Doonaan Guuxaab siyaasadeed ee Haataan Soo Cusboonaaday Shiikh Shariif ayaana Bilaabay inuu Xildhibaanada Ula Kulmo qaab Beel beel ah.