Home Wararka Maanta Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxay dal Soomaali Badan lagu Dilay Walina...

Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxay dal Soomaali Badan lagu Dilay Walina lagu Dilaayo (Sawirro)

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar ugu ambabaxay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika .

Sheekh Aadan Madoobe iyo xubnaha la socda ayaa magaalada Johannesburg uga qeyb galaya shirka Guddoomiyeyaasha baarlamaannadda qaarada Afrika ee (Pan-African Parliament) oo halkaasi ka furmaya.

Guddoomiyaha ayaa inta uu ku sugan yahay magalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika uu shirka ku soo
bandhigi doona horumarinta Golaha Shacabka BJFS iyo sidii wada shaqeyn buuxda u yeelan lahaayeen Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya.

Dalka Koonfur Afrika ay kunool yihiin kumanaan Soomaali ah oo u badan ganacsato ayaa dalkaasi waxa ay kala kulmaan dhibaatooyin badan oo isugu jira dilal ,dhac, afduub iyo tarkoor, mana jiro wax muuqda ee dowladda Soomaaliya ka qabatay dhibaatooyinka lagu hayo muwaadiniinteeda.

Ad
Previous articleDharbaaxo ku dhacday William Ruto xili la isu diyaarinayo dacwad ka dhan ah guushiisa
Next articleWafdi Caalami ah oo Booqday Xerada LaguTababaraayo Ciidamada Galmudug ee Cadaado(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here