Home Wararka Maanta sharciga cusub ee Koofur Afrika Soomaalida ma u ogolaan doonaa inay dukaamo...

sharciga cusub ee Koofur Afrika Soomaalida ma u ogolaan doonaa inay dukaamo furtaan?

0

Dalka Koonfur Afrika waxaa ku nool kumannaan Soomaali ah oo halkasi tagay ka dib wixii danbeeyay burburkii dowladdii dhaxe.

Waxaa ay dalkaasi ka sameeysteen ganacsiyo kala duwan oo u badan dukaamo yaryar oo ay ka furteen deeganada ka fog Magalooyinka waaweyn, halkaasi oo ay u badan yihiin dadka madowga ah, waxaana mararka qaar ay kala kulmaan khataro fara badan oo noloshooda ay ku waayaan.

Warbixin Dowladda Koonfur Afrika ay soo saartay sanadkii 2021 ayaa lagu sheegay Soomaalida ku sugan Dalka Koonfur Afrika ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka ah inay yihiin 10% marka la fiiriyo guud ahaan qaxootiga ku sugan dalkaasi, waxaana ay ka mid yihiin ajaanibta ugu badan ee ku nool halkaasi.

Paddy Harper, oo ah saxafi ka howlgal wargeysyka Mail iyo Guardian ee Koonfur Afrika, ayaa sheegay in “Muhaajiriinta Soomaalida ah loo arko inay gacanta ku hayaan dhaqaalaha magaalooyinka, waxaana lagu eedeeyaa inay qabteen shaqooyinki dadka deegaanka, taas waxaa ay keentay weerarro lagu qaado muhaajiriinta, iyo inay soo baxaan kooxo ka soo horjeeda soo galootiga, sida howlgalka Dudula.”

Iyadoo ay sii kordheyso naceybka ajaanibta ee ka jira Koonfur Afrika iyo dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ayaa wasiirka arrimaha gudaha Aaron Motsoaledi wuxuu ku dhawaaqay qorsheyaal lagu adkeynayo sharciyada magangalyada qaxootiga iyo guud ahaan socdaalka.

Tallaabadan ayaa cawaaqib xun ku yeelan doonta ajaanibta ay Soomaalidu ka midka yihiin ee ku sugan dalkaasi.

Sharciga cusub ee looga hortagayo dadka qaxootiga ah oo wali dadweynaha dalkaasi ay ka doodayaan ayaa haddii uu dhaqan galo waxa uu dhibaato weyn ku noqon doonaa dadka Soomaaliyeed iyo Afrikaanka kale halkaasi ku qaxootiga ku ah.

Sidoo kale sharciga ayaa xoojinaya awoodaha saraakiisha hay’adda socdaalka, waxaan ay samayn karayaan tarxiil Khasab ah marka ay qofka ajabiga ah qabtaan ayuu yir wasiirka arrimaha gudaha Dr Motsoaled

Muxuu yahay xeerka cusub ee Koonfur Afrika ay daqangalinayso.

Garyaqaan Suldan cali Qadeye oo ah sharci yaqaan Soomaliyeed oo ku nool dalka Koonfur Afrika oo wareysi siiyay BBC ayaa sheegay in sharcigan Cusub sadex qodob oo ka mid ah ay saameeyn ku yeelan doonaan dadka Soomaliyeed kuwaas oo kala ah sharciga qaxootiga, xeerka soo galootiga iyo midka muwaadinimada.

“Dadka Soomaliyeed waxa saameeyn doona wax ka badelka dowladda ay ku sameeynayso xeerka qaxootiga ee la soo saaray sanadkii 1998 kaas oo fursad siinayay dadka soo galootiga ah, balse hadda Meesha laga saarayo, kan socdaalka iyo kuwa kale oo dhamaan ay rabto in dowladdu ay laasho”

Sharciga ayaa waxaa soo diyaariyay aqoonyahano, cilmi baareyaal jaamacadaha dalka ka socda iyo guddiyo Dowladda ay u xil saartay, waxaana garyaqaan Cabdullhi Macalin uu sheegay in ay adkaan doonto in la meelmariyo maadaama ay jireen sharciyo kale oo qaxootiga la xiriiray oo midkan ka horeeyay, lana soo saaray sanadkii 2008- 2011 kuwaas oo dhamaan aan dhaqan galin.

Waxa uu xusay in ay jiraan caqabado badan oo ay ka mid yihiin qodobo dastuurka dalka ka mid ah oo diiday wax ka baddal kasta oo la sameeynayo, iyo xeerarka kale oo ay la galeen midowga Afrika iyo sharciga qaxootiga oo dhamaan ilaalinaya xaquuqada dadka qaxootiga ah.

Ad
Previous articleIsraa’iil oo micno la’aan ku tilmaantay Qaraar ka soo baxay Qaramada Midoobey
Next articleMaxkamadaynta Agaasime Koofi Cabdul iyo Saabeey oo ayagoo maqana ah Saakay Maxkamadayntoodu ka bilaabatay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here