Home Wararka Maanta Maxkamadaynta Agaasime Koofi Cabdul iyo Saabeey oo ayagoo maqana ah Saakay Maxkamadayntoodu...

Maxkamadaynta Agaasime Koofi Cabdul iyo Saabeey oo ayagoo maqana ah Saakay Maxkamadayntoodu ka bilaabatay Muqdisho

0

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah 16-ka Novermber guda gashay kiiska dacwad musuq ah oo loo haysto 14 mas’uul oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo badankood ah maqanayaal.

13 kamid ah mas’uuliyiintan ayaa ‘u baxsaday’ dalka dibaddiisa, halka eedeysanaha 14-aad oo lagu magacaabo Abshir Maxamed Cali uu goobjoog yahay dhageysiga dacwaddan.

Mas’uuliyiintan ayaa kala ah:- 1-Maxamed Aadan Jimcaale Koofi, 2-Cabdulqaadir Cali Cilmi (Cabdul) oo labaduba ahaa agaasimeyaashii hore ee hay’adda socdaalka Jinsiyadda, 3-Cismaan Xasan Cosoble oo isna ahaa ku xigeenkii hore ee agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka, 4-Jacfar Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda dakhliga ee wasaaradda maaliyadda, 5-Cabdikaafi Xasan Maxamed oo ahaa agaasimihii hore ee maamulka iyo maaliyadda hay’adda socdaalka 6-Cabdiraxmaan Macxaed Cali (Caadle) agaasimihii hore ee waaxda ajaaniibta hay’adda socdaalka 7-Abuukar Xasan Aadan oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska qaadasha Visada iyo hubinta Visaha ee waaxda ajaaniibta ee hay’adda socdaalka 8-Maxamed Xuseen Nageeye oo ahaa sarkaal ka tirsanaa qaybta qaadashada Viso kordhinta ee hay’adda socdaalka 9– Abshir Maxamed Cali oo ahaa sarkaal ka tirsan xafiiska diiwaangelinta iyo hubinta lacagta ee hay’adda socdaalka, 10-Muxudiin Xasan Jurus (Saabey) oo ahaa agaasimhii hore ee waaxda canshuuraha bariga ee wasaaradda maaliyadda, 11-Maxamed Idiris Axmed oo ahaa madaxa qaybta canshuuraha dadban ee wasaaradda maaliyadda, 12-Cabdullaahi Daahir Wehliye oo ahaa qasniga qaybta dakhliga ajaaniibta laanta bangiga dhexe ee garoonka Aadan Cadde,  13-Maxamed Ibraahim Axmed oo ahaa sarkaal ka tirsan waaxda ajaaniibta ee hay’adda socdaalka iyo 14– Cabdalle Maxamed Axmed oo ahaa agaasimihii hore ee waaxda IT-da ee Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Qaranka.

Dhammaan mas’uuliyiintaan ayaa loo haystaa xatooyo xoolo dadweyne, gaar ahaan lunsashada malaayiin dollar oo ay kusoo eedeysan xeer ilaalinta guud ee Qaranka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Saalax Dabbaan oo furay Maxkamadeyntaan ayaa sharraxay qaabka loo wajahayo Maxkamadeynta, maadaama raggan ay yihiin maqanayaal

“Si waafaqsan heerka wax ka bedalka ciqaabta Soomaaliyeed maxkamaddu marka ay eedda u akhriso eedeysanayaasha maqanaha ah u diiwaan-gelin doontaa inay ku jawaabeen saddexda jawaabood mid kamid ah oo ah inayna gelin, iyada oo maxkamaddu wakiil ka tahay dadkaasi maqanayaasha ah” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka.

Horay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u xukuntay saraakiil dowladeed oo iyana loo haystay masuq-maasuq, kuwaas oo qaarkood lagu riday xabsi sanado ah, halka kuwa kalena ay sii deysay, balse waxaa rafcaan ka qaadatay xeer ilaalinta, iyada oo mar kale mas’uuliyiinta lasii daayay ay hadda kiiskooda la wareegtay Maxkamadda Racfaanka.

Dowladda federaalka ayaa muddooyinkii u dambeeyay wadday dagaal ka dhan ah musuqa, kaas oo loo soo qabtay mas’uuliyiintii ugu badneyd oo wajahaya xabsi iyo maxkamadeyn.

Ad
Previous articlesharciga cusub ee Koofur Afrika Soomaalida ma u ogolaan doonaa inay dukaamo furtaan?
Next articleAlshabaab oo Weerar ku Bilowday Qaraxyo Ku Qaaday Magaalada Gaarisa ee Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here