Home Wararka Maanta Shabakad katirsaneyd Al Shabaab oo Dhawaan laga Soo Qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho...

Shabakad katirsaneyd Al Shabaab oo Dhawaan laga Soo Qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho oo lagu riday xukuno kala duwan oo Dil ku jiro (Sawirro)

0

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukunno kala duwan oo isugu jira dil iyo xabsiyo ku riday xubno loo heesto in ay katirsan Shabakad katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo lagu eedeeyay fulinta weeraro arbushaad ah iyo dilal .

Shabakadan ayaa lagu eedeeyay in iskuday ay ka sameeyeen 17-kii September sannadkan wadada Jidmariixaan ee degmada Howladaag ay ku fashilmeen, waxaana xubno katirsan kooxdan gacanta ku dhigay ciidamo katirsan hay’adda nabad sugida .

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa sheegtay in kooxdan oo ka koobnaa koox jugta culus ah oo isticmaali jiray RBG, F1, AK-47, waxa ay sidoo kale lahaayeen madax maaliyadeed, madax Caafimaad, bajaaj iyo gaari raaxo.

Xubnahan lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin Al Shabaab ayaa laga soo kala qabtay guryo qarsoon oo ay ka degnaayeen xaafado kuyaalla Muqdisho sida Gubta, Xaawa Cabdi, Ood-weyne, Alxayaat-Ceelasha iyo Cali-Turcaaye .

Todobaad kadib Maaan ayay Maxkamadda ku kala Xukuntay :-

1- Cabdi Naasir Cusmaan Nuunow ayaa lagu riday xukun dil ah oo ah qisaasta Marxuum Maxamed Xaanshi Faarax oo ku geeriyooday weerar arbushaad ah oo uu ka sameeyay Macaani gaari Taraafiko ah oo Jiidayay Bajaaj Shil ku Gashay Ceelasha September 7-deedii sanadan 2022, balse dhaawacaasi uu u geeriyooday 20-kii October Sanadkan.

2- Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa isna lagu xukumay xukun dil ah oo ah qisaasta Marxuum Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed oo ka tirsanaa Military-ga,, waxaana xukunsanaha dhaawaca dhabarka ah ka soo gaaray xabbado iska caabin ah oo uu riday Marxuumka ka hor inta uusan geeriyoon

3-4 Caddow Axmed Calasow iyo Cabdiweli Sheikh Mukhtar Maxamuud ayaa lagu wada xukumnay min sideed Sanno oo xabsi ciidan, waxa ayna ahaayeen madaxa gaadiidka kooxda iyo kan caafimaadka

5-Ibraahim Cabdullaahi Maxamed Xuseen oo lacag ka badan seddax kun dhex martay in uu uu ku dabiibay xukunsaha labaad ayaa lagu xukumay Shan-sanno oo xabsi ciidan ah.

6-Cabdullaahi Sheikh Mohamed Hilowle oo ahaa fura hayaha guryaha qarsoon ee kooxda iyo marti geliyaha maleeshiyaadka ka soo dhaawacmo Al Sahbaab ayaa lagu xukumay seddax Sano oo Xabsi Ciidan ah.

7-8 Aadan Nuunow Maxamed Kabiila iyo Dahabo Cabdi Cusmaan Maxamed ayay Maxkamaddu ku wayday wax dambi ah, waxa ayna u celisay Xorriyadooda –

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleWAR DEG DEG AH: Diyaarad Goordhow Ku Burburtay Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud
Next articleNuur Macalin Abuukar Calasow oo ka Tirsanaa Alshabaab oo Goordhow isisoo Dhiibay(Sawiro)