Home Wararka Somaliya Galmudug WAR DEG DEG AH: Diyaarad Goordhow Ku Burburtay Degmada Caabudwaaq ee Gobalka...

WAR DEG DEG AH: Diyaarad Goordhow Ku Burburtay Degmada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta diyaarad sidday Qaad ay ku burburtay degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolkaasi.

Diyaaradda ayaa ku dhacday meel u dhow garoonka diyaaradaha degmadaasi, waxaana soo gaaray burbur xoogan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Sawirro laga soo qaaday burbura diyaaradda ayaa muujinaya inay ku dhacday meel banaan ah ama howda ah, ayna ku yaalla geedo gaagaaban.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay shilkan diyaaradeed, mana jiro wax hadal ah oo ka soo baxay mas’uuliyiinta maamulka degmada iyo sidoo kale dowlad goboleedka Glamudug

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo loogu deeqay lacag $70 milyan oo dollar ah
Next articleShabakad katirsaneyd Al Shabaab oo Dhawaan laga Soo Qabtay Gudaha Magaalada Muqdisho oo lagu riday xukuno kala duwan oo Dil ku jiro (Sawirro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here