Home Wararka Somaliya Sawiro:- Ra’iisul wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimada Dhuusamareeb

Sawiro:- Ra’iisul wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimada Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha maamulka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta Garoonka Diyaaradaha Caasimadda Galmudug ee Ugaas Nuur kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Socdaalkan galabta Ra’iisul Wasaaraha kusoo gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Waxaa sidoo kale lagu waddaa in magaaladaasi uu gaaro Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Waxaa maanta gaaray Dhuusamareeb Madaxda maamulada Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana berri tagi doona Madaxda Jubbaland iyo Puntland.

Ad
Previous articleSawiro: Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo soo gaaray Dhuusamareeb
Next articleSawiro:- Madaxweynaha Somaliya Farmaajo oo goor dhow soo gaaray Caasimada Dhuusomareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here