Home Wararka Somaliya Sawiro: Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo soo gaaray Dhuusamareeb

Sawiro: Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo soo gaaray Dhuusamareeb

0

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Cali Guudlawe xuseen iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug muAxmed Abdi kaariye madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr maxamed Nuur Gacal wasiiro xilibaano iyo maamulka caasimada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu uga qeyb-galo doonaa Shirka wadatashiga Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa kasii horeeyay Madaxweynaha Hir-Shabeelle, waxaana sidoo kale la filayaa in Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada inay gaaraan Dhuusamareeb.

Ad
Previous articleDhageyso: Cabdi Rashiid Janan oo qiranaya in Ciidan looga qabtay Dagaalka Balad-Xaawo
Next articleSawiro:- Ra’iisul wasaare Rooble oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimada Dhuusamareeb

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here