Home Wararka Somaliya Sawiro: Hooyo Heysatay 5 Caruur ah oo Gaajo ugu dhimatay Gobolka Gedo

Sawiro: Hooyo Heysatay 5 Caruur ah oo Gaajo ugu dhimatay Gobolka Gedo

0

Hooyadaan oo kamid aheyd dadka ay abaartu ku saameeysay dhulka Miyiga ah ee hoostaga degmada luuq ee Gobolka Gedo ayaa ugu dambeyn gaajo iyo haraad dartiis waxaa ay ugu geeriyootay degmada luuq ee Gobolkaasi Gedo.

Mid kamid ah dadka kunool degmada luuq ayaa sheegay in Hooyadaan oo abaarta darteed uga soo barakacday degaanka ay ku nooleyd kadib markii Xoolihii ay laheyd ay abaartu ka dhameeysay.

” Waxaa saaka aas loogu sameeyey dagmada luuq ee Gobolka Gedo “illaahay ha  u naxariistee hooyo duleedka luuq ugu geeriyootay gaajo iyadoo nuujinayso ilmo yar oo dhalan dhowr isbuuc oo kali ah, waxay heysatay 5 Carruur ah, waxayna weeysay cid u gurmata ayuu yiri” Qof kamid ah dadka ku nool degmada luuq.

Hooyada gaajada iyo Haraadka u geeriyootay ayaa Carruurta ay ka tagtay iyo Aabahood oo da’ah waxaa ay Maamulka degmada luuq iyo Cullimada Magaalada u dhiseen Guri Jiingad bacweyne ah si ay ugu noolaadaan.

Gobolka Gedo ee Maamulka Jubbaland ayaa sanadkaan 2021 waxaa uu noqday Gobolka ugu daran oo ay abaartu saameysay, iyada oo dowladda Soomaaliya & Maamulka Jubbaland aysan ka helin gurmadkii loo baahnaa, waxaana gaajo iyo haraad ugu geeriyooday dad farabadan.

Ad
Previous articleDoorashada Golaha Shacabka oo ka bilaabatay Magaalada Baydhabo
Next articleRa’isul Wasaare Rooble oo Kulan la Leh Midowga Musharaxiinta (Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here