Home Wararka Somaliya Sawiro:- Barakac Ka Socda Magaalada Guriceel ee Galmudug

Sawiro:- Barakac Ka Socda Magaalada Guriceel ee Galmudug

0

Waxaa barakac xoogan uu Maanta ka socdaa degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo laga cabsi qabo inay ku dagaalamaan Ciidanka dowladda & kuwa Galmudug oo dhinac ah iyo Ahlusunna.

Dadka ayaa waxaa ay siweyn uga barakacayaan Xaafadaha kala ah Wadajir, Daryeel iyo Tawakal, waxaana Ciidamada Ahlusunna ay difaacyo ka sameysteen Gudaha iyo daafaha Magaalada.

Barakacaan Maanta ka billowday degmada Guriceel ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ku dhawaadeen degmada Guriceel, isla markaana ay fariisin ka sameysteen degaanka Ceeldheere.

Xaaladda degmada Guriceel ayaa Maanta ka duwan sidii hore, waxaana qaar kamid ah Bulshada ay sheegayaan inay dareemayaan cabsi la xiriirta in dushooda lagu dagaalamo, isla markaana ay waxyeelo kasoo gaarto.

Ad
Previous articleHogaanka Ahlu-suna oo iskaga Baxay Magaalada Guriceel
Next articleSheekh Shaakir oo go’anka Ahlu-suna Siiyay Odayaasha Degmada Guriceel oo kulan dhex-maray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here