Home Wararka Somaliya Hogaanka Ahlu-suna oo iskaga Baxay Magaalada Guriceel

Hogaanka Ahlu-suna oo iskaga Baxay Magaalada Guriceel

0

Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo ciidamo uu hogaaminayo ayaa lasoo sheegayaa inay iskaga baxeen magaalada guriceel ee gobolka gal gaduud.

Sheekh iyo ciidamo galbinayey ayaa uruqaansaday dhinaca deegaanka Huurshe kadib culeys la saaray magaalada guriceel oo labo todobaad ay Ahlusuna kusugnaayeen ciidnakooda.

Barakac xoog leh ayaa ka socda guriceel taasoo shacabku ay cabsi ka qabeen in korkooda lagu dagaalamo sidaasna ay uga qaxeen xaafadahooda.

Weli guriceel ciidamo katirsan Ahlusuna ayaa kusugan kuwaas oo difaacyo dagaal ka qodanaya duleedka magaalada iyo meelaha laga soo galo guriceel.

Warar ayaa sheegaya in ciidamo iyo gaadiid dagaal ay Ahlusuna weysay kuwaas oo ku biiray ciidamada dawlada ee kusugan deegaanka ceel dheere.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta guriceel xilli ciidamada huwanta ah ee Dawlada iyo kuwa daraawiishta galmudug ay kulaalayaan Guriceel sheegeena inay qabsan doonaan saacadaha soo socda.

Ad
Previous articleKulan Dhexmaray Sheekh shaakir iyo Taliye Odawaa oo ku soo dhamaaday Heshiis la’aan
Next articleSawiro:- Barakac Ka Socda Magaalada Guriceel ee Galmudug

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here