Home Wararka Maanta Sarkaalkii loo Diray Dilkii Usaama Bin Laadin oo Alshabaab Ku...

Sarkaalkii loo Diray Dilkii Usaama Bin Laadin oo Alshabaab Ku Dileen Soomaaliya

0

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay gawaari kolonyo ah oo ay leedahay hay’adda sirdoonka Mareykanka ee C.I.A ayaa xilli habeennimo ah u baxay si ay usoo fuliyaan howlgal khaas ah oo lagu bartilmaameedsanayay mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee Al-Shabaab, balse sidii uu qorshuhu ahaa wax uma dhicin, sida lagu sharraxay maqaal uu qoray wargeyska New York Times.

Kolonyada oo ka baxay Muqdisho ayaa sii maray waddo xeebta barbar socota oo dhanka koonfureed ah, taasoo geyneysa dhulka ay gacanta ku hayaan xoogagga al-shabaab, oo sida uu wargeyskan xusay ka mid ah ururrada mintidiinta ee ugu halista badan qaaradda Afrika.

Tuulo badda dhinaceeda ah ayay gawaarida ku hakadeen, halkaasoo ay uga dageen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Soomaalida ee iskaashanayay, waxayna durbadiiba weerar gaadmo ah ku qaadeen guri ay ku dileen dhowr xubnood oo mintidiinta ka mid ah, sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah.

Laakiin hal nin ayaa ka baxsaday goobtaas wuxuuna islamarkiiba soo laabtay isagoo si xowli ah u kaxeynaya gaari laga buuxiyay walxaha qarxa oo loogu talogalay ismiidaamin, wuuna qarxiyay.

Qaraxaas waxaa ku dhintay saddex Soomaali ah, askari Mareykan ahna dhaawac culus ayaa kasoo gaaray. Wuxuu ahaa Michael Goodboe, oo 54 jir ahaa, ka tirsanaa saraakiisha tababarka khaaska ah leh ee C.I.A-da, horayna ugasoo mid ahaan jiray ciidamada isugu jira kuwa cirka, badda iyo dhulka ee Mareykanka.

Waxaa diyaarad loogu qaaday isbitaal ay militariga Mareykanka ku leeyihiin Jarmalka, balse 17 maalmood kaddib ayuu u geeriyooday dhaawicii.

Geerida Mr. Goodboe waxay ahayd mid ka mid ah kuwa dhifka ah ee Mareykanka Mareykanka kasoo gaara dagaalka dadban ee ay tobanka sano kula jiraan al-shabaab.

Ad
Previous articleDagaal Siyaasadeed oo Ka Dhex Qaraxay Midowga Musharixiinta iyo is Reebreeb Xoog leh oo Socda
Next articleDagaal Sababay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Goordhow ka Dhacay Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here