Home Wararka Maanta Dagaal Sababay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Goordhow ka Dhacay...

Dagaal Sababay Khasaaro isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo Goordhow ka Dhacay Muqdisho

0

Ciidamo kawada tirsan milatariga Soomaaliya ayaa dagaal sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa uu ku dhax maray xaafada loo yaqaan Tarabuush oo katirsan degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Sida aan wararka ku helnay askarta dagaalantay oo ehel ahaa ayaa isku qabsaday guri halkaasi kuyaala, waxaana muran iyo is qabqabsi kadib labada dhinac dhax maray dagaal dhiig ku daatay.

Dagaalka dhax maray askartan guriga isku qabsatay ayaa la sheegay in ay ku dhinteen labo askari oo lagu kala magaacabayay Cali Nuur Xoosheey iyo Saciid Axmed Shalaqbeen, halka ay ku dhaawacmeen Toxob Xasan Xadar iyo  liibaan Shalaqbeen.

Dadka deegaanka ayaa aad uga naxay dagaalkan dhax maray askartan kawada tirsanaa milatariga Soomaaliya sidoo kale ehel ahaa, waxaana dhacdadan noqotay mid murugo iyo hadal heyn badan ka abuurtay degmada Wadajir.

Maamulka degmada Wadajir iyo taliska booliiska ayaan wali ka hadlin dagaalkan dhaliyay khasaaraha isugu jira dhimashada iyo dhaawaca, waxaana goobta dagaalku ka dhacay saraakiil katirsan booliiska oo baaris ku sameeyay dhacdadaasi.
Ad
Previous articleSarkaalkii loo Diray Dilkii Usaama Bin Laadin oo Alshabaab Ku Dileen Soomaaliya
Next articleCiidamo Ka Tirsan Kuwa Itoobiya oo Qaraxyo Iyo Dagaal Toos ah lagu Qaaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here