Home Wararka Maanta Saraakiishii ugu Badnayd oo Todobaadkii Lasoo Dhaafay Alshabaab laga Dilay oo Magacyadooda...

Saraakiishii ugu Badnayd oo Todobaadkii Lasoo Dhaafay Alshabaab laga Dilay oo Magacyadooda La Shaaciyay

0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA oo shaacisay magacyada iyo sawirada hoggaamiyaal ka tirsanaa Khawaarijta Al-Shabaab oo lagu dilay hawgalladii ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay.

Raggaan oo gaaraya 7 xubnood ayaa la sheegay in sirdoonku uu si dhow ula socday dhaqdhaqaaqooda, iyaga iyo kuwo weli ku nool dhulka howdka ah.

Ninka ugu horeeyey ee NISA ay shaacisay in la dilay waxaa lagu magacaabaa Sheekh Cabdullahi, waxaa lagu dilay dagaalkii Awdheegle, wuxuuna kooxda u qaabilsanaa aagga deegaanka Lambarkonton.

Ninka labaad waxaa lagu magacaabaa Cali Timajicil, wuxuuna qaabilsanaa dhanka caafimaadka, isagoo ka howlgeli jiray Sh/Hoose, Awdheegle ayaa isna lagu dilay.

Sarkaalka 3-aad waxaa lagu magacaabaa Bashiir Dheere, wuxuu ahaa madaxii kooxda ee Buulomareer, xubnihii lagu dilay Awdheegle ayuu ku jiray, sida ay sheegtay NISA.

Cabdiqafaar oo ah ninka 4-aad ee NISA ay shaacisay geeridiisa wuxuu ka mid ahaa madaxda xubnaha dilalka ka geysta Muqdisho, sidoo kale kooxaha fuliya weerarrada ayaa lagu daray waayihii dambe, Awdheegle ayaa isna lagu dilay.

Shaaciye Maxamed Cali oo ah ninka shanaad ee NISA ay shaacisay geeridiisa waxaa la sheegay inuu ahaa madaxii qaraxyada ee kooxda u qaabilsanaa Shabeellada Hoose, Awdheegle ayaa lagu dilay isna.

Zakariye Maxamed Bashiir oo Al-Shabaab u qaabilsanaa diiwaan gelinta xubnaha qoranaya jugta culus, sidoo kalena ahaa ku xigeenka madaxa qaraxyada ee gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay Awdheegle.

Sarkaalka 7-aad ee NISA ay shaacisay Magaciisa waa Axmed Cali Daahir Shuuke wuxuu kooxda u qaabilsanaa kicinta bulshada, waxaana lagu dilay howlgal ka dhacay aagga deegaanka Bulacle ee hobolka Galgaduud.
Ad
Previous articleShir ka Dhan ahaa laftagareen oo Nairobi lagu Soo Gabgabeeyey iyo Qodobo Xasaasi ah oo laga Soo Saaray
Next articleAlshabaab oo Saakay Qarax Ku Burburiyay Ceelkii ugu Waynaa ee Degaanka Ceelgaras

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here