Home Wararka Maanta Saraakiil Sar sare oo Gaaray Dhuusamareeb Xili Madaxweyne Xasan shiikh Dhuusamareeb kasoo...

Saraakiil Sar sare oo Gaaray Dhuusamareeb Xili Madaxweyne Xasan shiikh Dhuusamareeb kasoo Guuraayo(Sawiro)

0

Taliyaha guutada 6-aad, qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General Aadan Abshir Nuurre (Laba afle) iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo ah halka laga hagayo howlgalka dhammaytirka wajiga koowaad ee dagaalka Alshabaab.

General Laba afle iyo saraakiisha la socota ayaa qayb ka qaadan doona howlaha abaabulka iyo dardar gelinta Ciidamada Deegaanka ee ka barbar dagaalamaya Ciidanka Qaranka.

Madaxweyne Xasan shiikh ayaa La Filiyaa inuu Asbuucaan kasoo Guuro Dhuusmareeb una Soo Guuro Maxaas.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo bil ah ku sugnaa Dhuusamareeb ayaa ku wajahan Maxaas oo katirsan Gobalka Hiiraan, waxayna wararku sheegayaan in Madaxweynaha ka quustay qaar kamid ah beelaha daga Galmudug in ay awoodooda ciidan ku taageeraan howlgalka Milateri ee dalka ka socdo.

Qaar kamid ah beelahaan oo waqtiyo kala duwan soo bandhigay hub culus, gaadiid dagaal iyo ciidamo boqolaal ah ayaa marna ka qeybgelin dagaalkii Ceelbuur, waxayna arrintu u muuqataa in qorshahoodu ahaa dhoolatus oo kaliya iyo soo bandhigista awoodooda ciidan.

MD Xasan Sheekh ayaa raadinaya beelo kale oo taageera howlgalka Xoreynta Ceelbuur iyo Galhareeri oo ay hadda ku hareereysan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa degaanka.

Ad
Previous articleXasan Shiikh oo Ka Hadlay Sababtii looga adkaaday Ciidamadii Dowlada ee Cowswayne ku sugnaa
Next articleWar Deg Deg ah:Qarax Culus oo Ka dhacay Muqdisho iyo Ragii Watay oo la qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here