Home Wararka Maanta Saraakiil ka tirsan Maxkamada ciidamada DF oo gaaray furumaha dagaalka Xili La...

Saraakiil ka tirsan Maxkamada ciidamada DF oo gaaray furumaha dagaalka Xili La Filaayobin Dagaalo Culus bilowdaan (Sawirro)

0

Saraakiisha Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta 27aad ayaa kormeer shaqo ku tagay goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda qalabka sida, garahaan guutada sedexaad ee qaybta 27aad ee xoogga dalka.

Mas’uuliyiinta kormeeray fariisimaha ciidamada qalabka sida waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qeybta 27aad Maxamed Amiin Aadan Cabdulle iyo abaanduulaha guutada sedaxaad Ismaaciil Kuulow Tuurre.

Waxay warbixino ka dhegeysteen saraakiisha Ciidamada Qalabka Sida ee ku sugan goobaha dagaalka ee gobolka Sh/hoose.

Mas’uuliyiinta ayaa kula dardaarmay inay u shaqeeyaan dadka, dalka iyo Diinta maadaama ay u dhaarteen inay shacabkooda ka ilaaliyaan cadowga sida uu yiri.

 

Ad
Previous articleWaa Kma Shaqsiga loo wada xilka ra’iisul wasaare ku-xigeenka?
Next articleMareykanka oo hub uu Turkiga ka mamnuucay u fasaxay waddan kale oo ka tirsan Aasiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here