Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Sanbaloolshe “Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in...

Sanbaloolshe “Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan”

0

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa bixiyey xog iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan qaraxyadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne, kuwaas oo mid ka mid ah lagu khaarijiyey xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi.

Sanbaloolshe oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa shaaciyey in qaraxa koowaad oo lala beegsaday Aamino uu ahaa mid siyaasadeysan oo lasoo qorsheeyey, si loogu khaarijiyo.

“Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan,” ayuu yiri siyaasiga caanka ah Sanbaloolshe.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ujeedka qaraxyadan laga lahaa ay ahaayean in lagu qal-qal geliyo amniga doorashada ka socota magaalada Beledweyne ee xarunta Hiiraan oo ah deegaan doorashada labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cabdullaahi Maxamed Cali.

Siyaasigan oo ka mid ah xubnaha mucaaradka ah ayaa ku sugan Beledweyne, isaga oo u tegay ka qayb-galka doorashada, wuxuuna sheegay in weli xaaladdu ay qasan tahay.

Ad
Previous articleMadaxweyne QoorQoor oo kulan laqaatay Xildhibaanada Lagasoo Doortay Galmudug oo uu dhawaan u yeearay
Next articleMeydka Xildhibaanad Aamina oo laga Soo Qaadaayo Magaalada Baladweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here