Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka Qaranka ee NISA Cabdullahi Sanbaloolshe oo ku sugan degmada Maxaas gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay falkii lagu dilay askarta iyo sida mudan in xal looga gaaro colaadda sababtay falkaas ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee dega Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ee Hirshabeelle.
Agaasimaha NISA ayaa sheegay in dilkii askartaas uu noqon doono kii ay ku nabadoobi lahaayeen beelaha Xawaadle iyo Abgaal, iyadoo kiiskaana lagu xalin doono go’aanka dowladda.
“Waxaan ka socdaa dowladda federaalka, waxaan wakiil ka ahay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxda qaranka oo dhan, sidoo kale Beledweyne waxaa ku sugan wasiirkii Batroolka iyo Duubabka dhaqanka Abgaal, Madaxweynuhu wuxuu nasoo faray in falkii askarta lagu dilay dowladda loo daayo oo cadaaladda lagu xaliyo, iyadoo aan qabiil gaar ah loo dakaneyn,” ayuu yiri Sanbaloolshe.
Sidoo kale Agaasimaha NISA ayaa beeshiisa Xawaadle ka codsaday inay xalka kiiskaas ka sugaan dowladda, oo aan la qabiileyn, lana siyaasadeyn, “Dhacdada hadda taagan laguma lifaaqi karo wixii hora yuga dhex jiray Xawaadle iyo Abgaal waa dhacdo qaran, dowladda ayaa go’aankeeda laga sugaa, waa idin baryaa ee yaan la qabyaaladeyn,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Sanbaloolshe.
Taliyaha NISA ayaa si cad u sheegay in mashruucii lagu laayey askartii jidka loo galay ee Ceelbaraf lagu dilay uu ahaa mid Shabaab ka dambeeyey ama ugu yaraan uu ahaa mid siyaasadeysan.