Home Wararka Maanta Safaarada Sweden ee Izmir, Turkey oo Weerar lagu Qaaday iyo Khasaaro Ka...

Safaarada Sweden ee Izmir, Turkey oo Weerar lagu Qaaday iyo Khasaaro Ka dhashay Weerarkaas

0

Shaqaale Turkish ah, oo ka howlgalayey qunsuliyad sharafeed ay Sweden ku leedahay magaalada Izmir ee galbeedka Turkey ayaa lagu toogtay, oo si darran loogu dhaawacay bannaanka dhismaha qunsuliyadda, waxaa sidaas Talaadadii werisay warbaahinta dowladda ee TRT.

Xafiiska barasaabka Izmir ayaa bayaan ku sheegay in muwaadin Turkish ah oo degan gobolka bari ee Agri loo xiray falkan.

Booliska ayaa baaraya dhacdadan, ayuu intaas ku daray xafiiska.

Qunsulka guud ee Sweden ayaa maanta oo Arbaco ah u safraya Izmir, si uu xog dheeraad ah uga helo dhacdada, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheegtay inay wadahadal dhow la leedahay qunsulkeeda guud ee Istanbul iyo shaqaalaheeda Turkey.

Qunsuliyadda Guud waxay xiriir la sameysay Qunusliyad Sharafeedka Izmir iyo mas’uuliyiinta deegaanka, ayey tiri wasaaradda arrimaha dibedda Sweden.

Wasaaradda ayaa sheegtay inaysan faallo intaas dheer ka bixineyn “halista ay wajahayaan shaqaalaha diblomaasiyadda iyo tallaabooyinka amni ee la qaaday, maadaama tani ay tahay halis ka hor-imaneysa ujeeddooyinka tallaabooyinkaas.”

Wasiirka Caddaaladda Turkey, Yilmaz Tunc ayaa ku cambaareeyey weerarka, qoraal uu soo dhigay barta X ee horey loogu yaqiin twitter.
Waxa uu sheegay in baaritaan fal dambiyeed la billaabay si loo ifiyo dhacdadan.

Weerarka ayaa imanaya ayada oo bilihii dhowaa ay xiisan ka dhex oogneyd Turkey iyo Sweden.

Ankara ayaa marar badan cambaareysay go’aanka ay Sweden ku fasaxday dibadbaxyo lagu gubayo Kitaabka Qu’raanka, oo qaarkood kahor dhacay qunsuliyadda Turkey ee caasimadda Sweden ee Stockholm.

Ankara ayaa sidoo kale muddo hortaagneyd damaca ay Stockholm ugu biireyso xulufada NATO, sababo la xiriira qur’aanka la gubay iyo in Sweden ay diiday inay soo gacan geliso shaqsiyaad Kurdish ah, oo Turkey ay ku eedeysay argagixisanimo.

Turkey ayaa ugu dambeyn bishii tagtay ogolaaatay in Sweden ay kusoo biirto NATO, kadib cadaadis ay billo wadeen Mareykanka iyo xubnaha kale ee ururka.

Qunsuliyad sharafeedka ayaa matala danaha muwaadiniintooda ee dibadda laakiin ma maamulaan diblomaasiyiin xirfad leh.

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda
Ad
Previous articleAlshabaab oo weerar ay ka gaysteen Muqdisho Ku laayay Ciidamada Miletaara Police
Next articleMadaxweyne Xasan shiikh oo Markale Soo Faragaliyay Xaalada Laasacaanood