Home Wararka Somaliya Puntland Madaxweyne Xasan shiikh oo Markale Soo Faragaliyay Xaalada Laasacaanood

Madaxweyne Xasan shiikh oo Markale Soo Faragaliyay Xaalada Laasacaanood

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay in ka badan 6 xubnood oo ah Senatoro iyo xildhibaano golle shacab oo kasoo jeeda Puntland, iyagoo ka wada hadlay arrimaha SSC-Khaatumo, xariirka Muqdisho & Garoowe.

Sida ay ii xaqiijiyeen qaar kamid ah ka qeybgalayasha madasha, Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay in uusan raali ka aheyn dagaalka Laascaanood, wuxuuna sheegay in wada hadal oo kaliya xal lagu gaari karro, loogana baahan yahay dhinacyada wada hadal bilaa sharuud ah in ay galaan oo laysku yimaado, kaas oo ay garwadeen ka noqonayaan odayaasha dhaqanka iyo dawladda Faderaalka, dhexmarana Isimadda SSC iyo Somaliland.

Sidaas oo kale, xariirka Puntland & Villa Somalia, ayuu sheegay in uu diyaar u yahay in ay wada hadal siyaasadeed yeeshaan, haddii ay dhinacyadan damaanad-qaadi karaan, laakiin isla xubnaha la kulmay Madaxweyne Xassan Sh ayay is hayaan Siciid Deni.

Ad
Previous articleSafaarada Sweden ee Izmir, Turkey oo Weerar lagu Qaaday iyo Khasaaro Ka dhashay Weerarkaas
Next articleWAR DEG DEG AH:Wasiirka Ciyaaraha Oo Xilka Qaaday Gudoomiyihii Sababta u ahayd Guuldaradii Iyo Fadeexadii shalay dhacday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here