Home Wararka Maanta Alshabaab oo weerar ay ka gaysteen Muqdisho Ku laayay Ciidamada Miletaara Police

Alshabaab oo weerar ay ka gaysteen Muqdisho Ku laayay Ciidamada Miletaara Police

0

Dagaalyahanno hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar culus oo dhaliyay khasaaro kala duwan ku qaaday fariisin ciidanka dowladda gaar ahaan kuwa booliisa milataari ku lahaayeen xaafada Cali Turcaaye ee degma da Yaqshiid.

Rag hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday fariisin ciidanka booliisa milataare ku lahaayeen xaafada Cali Turcaaye, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado dhowr ah socday oo labada dhinac dhax maray.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa labada dhinac kasoo gaaray iska horimaadka, walina lama oga in dagaalka uu ka dhashay khasaaro nafeed oo soo gaaray dadka shacabka ah.

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegeen weerarka ay ka fuliyeen Muqdisho ku dileen lix askari oo katirsan ciidamada xasilinta caasimadda, waxa ay sidoo kale sheegeen in ay wateen askari ay nolol ku qabteen.

dhanka kale waxaan xaqiijinay inay dagaalka ku dhinteen sadex askari oo katirsanaa Ciidamada Miletaara Police halka laba kalana lagu dhaawacay Askarta Geeriyootay ayaana lakala Oran Jiray ibraahim xasan Sagaar Cabdirisaaq Maxamed Sabriye iyo cabdiraxmaan nuur macalin,

Ad
Previous articleXasan Macallin oo caddaalad degdeg ah u ballan-qaaday maxaabiista Xabsiga Dhexe isaga Xiran ee aan Maxkamad lasoo Taagin
Next articleSafaarada Sweden ee Izmir, Turkey oo Weerar lagu Qaaday iyo Khasaaro Ka dhashay Weerarkaas

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here