Home Wararka Maanta Sadex nin oo Ka Dambaysay Dilka Wiil Soomaali ah oo lagu Dilay...

Sadex nin oo Ka Dambaysay Dilka Wiil Soomaali ah oo lagu Dilay Norway oo Lasoo qabtay

0

Booliska magaaladda Oslo dala Norwey ayaa maanta shaaciyay inay soo qabteen, xabsigana dhigeen sadex Nin oo lala xiriirnayo dil deegaanka Lørenskog loogu geystay wiilka dhalinyarada Soomaaliga ah.

Sadexda qof ayaa laga soo qabtay sadex goobood oo kala duwan oo ku yaalla magaaladda Oslo.

Booliska ayaa sheegay inay sadexda qof aqoon ay u lahaayeen Waxaana lagu eedeeyay inay ka danbeeyeen ama lug ku lahaayeen falka dilka ah ee loo geystay wiilka dhalinyarada Soomaaliga ah.

Booliska ayaa horey ugu soo qabtay qof kale oo lagu eedeeyay inuu lug ku lahaa falkan, balse waxaa lagu sii daayay damiin, waxaana socda baaritaan xoog leh.

Wali boolisku warbixin faah-faahsan kama aysan bixin qaabka uu u dhacay dilka, sababta ka danbeysay iyo macluumaadka kale ee la xiriira. Balse waxey sheegeen inay wadaan

baaritaano xoogan oo laga xaqiijiniyo arrintan, iyaga oo baaraya muuqaalo, cadeymo iyo warbixino aad u badan oo ay boolisku sheegeen inay heleen.

Soomaaligan lagu dilay Oslo oo da’diisa lagu sheegay 20 sano jir ayaa ka mid noqonaya dilal badan oo horey loogu geystay Soomaalida halkaas ku dhaqan, waxaana dilalkaas qaarkood ka dambeeyey Soomaali kale.

Booliska ayaa wiilkan oo aan magaciisa la sheegin meydkiisa ka helay fiidnimadii Jimcaha goob baabuurta la dhigto  oo ku taalla deegaanka Lørenskog.

Ad
Previous articleHowlgalada la dagaalanka Maandooriyaha oo si xowli ah uga socda Muqdisho (Sawirro)
Next articleGudoomiye Cabdullaahi Hirsi Timacade iyo Wafdi uu Hogaaminaayo oo Booqday SODMA(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here