Home Wararka Maanta Howlgalada la dagaalanka Maandooriyaha oo si xowli ah uga socda Muqdisho (Sawirro)

Howlgalada la dagaalanka Maandooriyaha oo si xowli ah uga socda Muqdisho (Sawirro)

0

Ciidanka Booliska Somalia ayaa xoojiyey ololaha la dagaalanka noocyada kala duwan ee Maandooriyaha ee todobaadyadan ka socday magaalada Muqdisho.

Ololahan oo uu hormuud ka yahay maamulka gobolka Banaadir ayaa saacadihii ugu dambeeyey lagu soo qabtay xashiish badan iyo qaar ka mid ah dadkii ka ganacsanayey.

War caawa ka soo baxay taliska Booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in gacanta lagu dhigay nin dhalinyaro ah oo mooto bajaaj uu watay ku soo qariyey baco uu ka buuxo xashiish.

“01/05/2023 Abaaro 06:47pm Taliska Qeybta Guud Boliiska G/Banaadir gaar ahaan ciidanka saldhigga boliiska degmada Waaberi ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane Cabdinasir Cilmi Axmed ina Saciido Cabdi Nuur Wehliye 20 jir ah ku dhashay Xamar Deggan Hodan, kaasoo ku eedeysan inuu mooto bajaaj xashiish ku watay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska G/banaadir.

“Eedeysanaha oo si dhuumaaleysa mootada ugu qariyay  xashiish ka kooban sadaxda bac ayey ciidanku qabteen, waxaana la waafajin doonaa sharciga hadduu alle idmo” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka.

Xalay ayey aheyd markii Booliska degmada Dharkeynley ay soo bandhigeen khamri fara badan oo macmal ah, xashiish fara badan, qori Ak-47 ah iyo labo nin oo ka ganacsanayey maandooriyahaas.

Ad
Previous articleCiidanka dowladda iyo Kuwa Galmudug oo Weerar gaadmo ah ku dilay dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab Hubna Ka Furtay
Next articleSadex nin oo Ka Dambaysay Dilka Wiil Soomaali ah oo lagu Dilay Norway oo Lasoo qabtay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here