Home Wararka Maanta Saameyn miyuu Soomaaliya ku yeelan karaa hadalkii Raysal wasaare Xamse ee Xamaas?

Saameyn miyuu Soomaaliya ku yeelan karaa hadalkii Raysal wasaare Xamse ee Xamaas?

0

Markii uu bilowday dagaalka Xamaas iyo Israa’iil toddobadii bishii dhammaatay ee Oktoobar, waxaa isla markiiba caddeeyay mowqifkiisa dalka Maraykanka, oo hore u dhihi jiray, ”weerar Israa’iil lagusoo qaaday wuxuu la mid yahay mid Maraykanka lagusoo qaaday” wuxuuna sheegay inuu taageero dhinac walba ah la garqab taagan yahay Israa’iil isla markaana wuxuu soo diray taageero mila tari iyo mid dhaqaale.

Intaas waxaa xigay dalalka kale ee sida Ingiriiska iyo Midowga Yurub oo iyaguna garab istaagay Israa’iil, kuna cambaareeyay ururka Xamaas inay soo qaadeen weerar argagixisanimo ah.

Dalalkan aan hadda sheegnay waa isla kuwa aan kor kuso xusnay inay bixiyaan taageerada ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho caalamka. Waxaa bulshada Soomaalida siiba kuwa siyaasadda ka dhex bilowday walaac ku aaddan saamaynta ay ku yeelan karto Soomaaliya; kala duwanaanshaha mowqifka Soomaaliya iyo dalalka ay ugu tiirsan tahay dhaqaalaha iyo weliba amniga.

Dr Axmed Zaki Faarax Iidle oo ka faallooda arrimaha Bariga Dhexe oon wax ka wadiinnay wuxuu yiri: “Isaga oo muujinaya taageera buuxda iyo mowqifka dawladdiisa iyo dareenka shacabkiisa ayuu isticmaali karaa kalmadaha diblomaasiyiinta loo oggolyahay inay isticmaalaan, micnaha isaga oo aan caadifad hadlin ayey ahayd inuu si toos ah u taageero shacabka Falastiiniyiinta ah” ayuu yiri Dr Axmed.

Haddaba dhinacyada ugu muhiimsan ee ay dadka qaar ka cabsi qabaan in ay Soomaaliya ka saamayso mowqifkeedu ayaa ah, qorshihii deyn cafinta Soomaaliya oo la filayey inay bisha Diseembar ee inagusoo aaddan laga cafiyo inta ugu badan.

Ka sokow Maraykanka oo isagu deyn badan ku leh Soomaaliya waxaa jira urur la yiraah Paris Club kaas oo ay ku mideysan yihiin dalalka deynta ku leh Soomaaliya, waxaana dalalkan hoggaaminaya Faransiiska oo isaguna si buuxda u taageersan Israa’iil.

”Saamayn ballaaran oo hadda la arki karo oo ay ku yeelan karto ma leh, laakiin ururka Paris Club waxaa gadh wadeen ka ah Faransiiska oo si buuxda u taageeray Israa’iil,” ayuu yiri Dr Axmed, ”marka waxaa laga yaabaa in culayska dhanka deyn cafinta ah uu kaga yimaaddo” ayuu sii raaciyey Dr Axmed Zaki Faarax oo ka hadlayey hadii ay jirto saamayn gaar ah oo laga yaabo in hadalka raysal wasaaruhu u keeno deyn cafinta Soomaaliya.

Ad
Previous articleGantaallo Xamaas ku ridday dhanka Israa’iil oo argagax ku abuuray malaayiin Israa’iiliyiin ah
Next articleAl-Shabaab oo Gabi ahaanba laga saaray xadka Galgaduud iyo Sh/Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here