Home Wararka Maanta Ruushka oo xabad joojin KMG ah ku dhawaaqay iyo Ukraine oo Diiday

Ruushka oo xabad joojin KMG ah ku dhawaaqay iyo Ukraine oo Diiday

0

Ukraine oo gaashaanka ku dhufatay Hindisihii Raashiya ee Xabbad-Joojinta KMG aheyd Saacado kadib, markii uu Madaxweynaha Raashiya, Vladimir Putin ku dhawaaqay Xabad joojin KMG ah ayaa waxay Dowladda Ukraine sheegtay inaysan macquul ahayn Arrintaasi.

Mykhailo Podolyak oo ah La-Taliyaha Madaxa Xafiiska Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay inay Xabbad-Joojinta KMG suurtogal noqon karto marka ay Ciiddanka Raashiya ka wada baxaan Xuduudaha ay Ukraine ka qabsadeen.

Qoraal uu soo dhigay Barta Twitter-ka ayuu ku muujiyey inaysan Ukraine weerarin Xuduudka dal Shisheeye iyo inaysan dilin dad Rayid ah, balse ay keliya burburiyeen kuwii soo duulay.

Waxa uu sii raaciyey inay Ciidanka Raashiya yihiin kuwii soo duulay ee dilay dadka Rayidka, isla markaana burburiyey magaallooyinka iyo Kaabayaasha Asaasiga u ah Nolosha Bulshada.

Madaxweynaha Raashiya ayaa galabta ku dhawaaqay Xabad joojin KMG oo uu ugu magac daray Heshiiska Ciidda Kirismaska (Christmas truce).

Putin ayaa amray Xabad joojin KMG oo muddo 24 saac ah, laga bilaabo 12-ka saac ee saqda Dhexe ee caawa ilaa Habeen dambe.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Shir Gudoomiyay Shirka Golaha Wasiirada Galmudug Arimo Muhiim ahna Kala Hadlay
Next articleAlshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Degaan Dhawaan Laga Saaray ee Ka Tirsan Shabeelada Dhexe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here