Home Wararka Maanta Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Degaan Dhawaan Laga Saaray ee Ka...

Alshabaab oo Dagaal Culus ku Qaaday Degaan Dhawaan Laga Saaray ee Ka Tirsan Shabeelada Dhexe

0

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in dagaal-yahaano ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay saaka weerar culus ku qaadeen deegaanka Hilowle-gaab ee degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe, oo dhawaan laga xoreeyay.

Weerarka rogaal celinta ah ee Al-Shabaab ayaa la sheegaya in uu ahaa mid dhowr jiho ah, ayada oo kooxda ay sheegatay inay kula wareegeen deegaankaasi oo kamid ah kuwii ugu danbeeyay ee ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ka qabsadeen.

Afhayeenka howl-gallada ee kooxda Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab oo war kasoo saaray dagaalkaan ayaa sheegay in weerar xoogan ku qaadeen saldhiga ciidamada huwanta kaga sugnaayeen deegaanka Hillowle-gaab ee ku yaalla waqooyiga degmada Ruun-Nirgood.

“Dagaal kooban kadib waxaa ciidamadeena u suurta-gashay inay jebiyaan (ciidamada dowladda) ayna si buuxda gacanta ugu dhigaan saldhigii (ciidamada) ee deegaanka Hilowle-gaab. Ciidamadeenu waxay gacanta ku dhigeen hub, saanad ciidan iyo gaadiid dagaal,” ayuu yiri.

Marka laga imaado sheegashada Al-Shabaab, illaa hadda majiro wax war ah oo kasoo baxay dowladda federaalka iyo maamulka gobolka, ayada oo Isgaarsiinta deegaanka ay aad u culus tahay.

Dadka deegaanka oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in dagaalka uu ahaa mid culus, welina uu socdo dagaalka, kadib weerarka ay saaka soo qaadeen kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac iskugu jira oo ka dhashay dagaalka ka dhacay deegaanka Hilowle-gaab ee hoostaga degmada Ruun-Nirgood ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Ad
Previous articleRuushka oo xabad joojin KMG ah ku dhawaaqay iyo Ukraine oo Diiday
Next articleMahad Salaad oo War kasoo Saaray Sharcigii Golaha Wasiirada Shalay Ansixiyeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here