Home Wararka Caalamka Ruushka oo soo bandhigay Rag British ah oo lagu qabtay dagaalka Ukraine(sawiro)

Ruushka oo soo bandhigay Rag British ah oo lagu qabtay dagaalka Ukraine(sawiro)

0

Laba dagaal-yahan oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa la sheegay in ciidamada Ruushka ay ku qabteen dagaalka ka socday gudaha Ukraine.

Dagaalyahanada la qabtay ayaa kasoo muuqday Telefishinka Qaranka Ruushka, waxayna Ra’isulwasaaraha England Boris Johnson ka codsadeyn inuu ka caawiyo sidii loo sii deyn lahaa.

Shaun Pinner oo 48 jir ah iyo Aiden Aslin oo 28 jir ayaa muuqaalkooda laba jeer la kala baahiyey iyaga oo dalbanaya in lagu bedesho siyaasiyiin Ruushka taaageersan oo lagu hayo Ukraine.

Dowladda Ingiriiska weli kama aysan hadlin raggaan sheegay inay kasoo jeedaan England ee la sheegay in lagu qabtay dagaalka Ukraine.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Ad
Previous articlelaftgareen oo Soo gaaray Muqdisho Xili Loolan adag oo ku aadan Doorashada Soomaaliya uu Socdo(Sawiro)
Next articleQaraxyo Culus oo Lala Beegsaday Goobo Wax Barasho ee Magaalad Kaabul(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here