Home Wararka Caalamka Qaraxyo Culus oo Lala Beegsaday Goobo Wax Barasho ee Magaalad Kaabul(Sawiro)

Qaraxyo Culus oo Lala Beegsaday Goobo Wax Barasho ee Magaalad Kaabul(Sawiro)

0

Qaraxyo lala beegsaday xarumo waxbarasho oo ku yaalla magaalada Kabul ee dalka Afghanistan  ayaa lagu dilay ugu yaraan lix qof, oo ay ku jiraan arday iyadoo ay ku dhaawacmeen 17 kale.

Qaraxyada ayaa ahaa kuwo ismiidaamin ah sida uu sheegay afhayeenka booliiska Kabul Khalid Zadran, waxaana Isbitaalada xaaladaha degdega ee magaalada la geeyey Qaar badan oo ka mid ah dadka dhaawacmay oo ku jiray xaalad halis ah.

Qaraxyada ayaa ka dhacay dugsiga sare ee Abdul Rahim Shaheed Shaheed iyo meel u dhow Dugsiga Hoose ee Hooyooyinka oo dhowr kiilomitir isku jira, waxaana weerarkan cambaareeyey maamulka Taliban.

Inkastoo aysan jirin weli koox sheegatay weerarkan haddana Kooxda dowlada Islaamiga ee loo yaqaan ‘Khorasan’, ama IS-K, ayaa horay u bartilmaameedsaday iskuulada gaar ahaan xaafadaha Shiito Dast-Barchi. Bishii May ee sanadkii hore, bilo ka hor inta Talibanku awooda la wareegin in ka badan 60 carruur ah, oo ah gabdho u badnaa ayaa lagu dilay weeraradaas.

Ad
Previous articleRuushka oo soo bandhigay Rag British ah oo lagu qabtay dagaalka Ukraine(sawiro)
Next articleSenator c.xakiim Macalin Axmed oo Laga Soo Doortay Galmudug oo Qaatay Shahaadada Tartanka Gudoomiye Ku xigeenka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here