Home Wararka Caalamka Ruushka oo Sadex Shuruud ku Xiray inuu Joojiyo Dagaalka Ka Socda Ukrain

Ruushka oo Sadex Shuruud ku Xiray inuu Joojiyo Dagaalka Ka Socda Ukrain

0

Afhayeenka aqalka looga taliyo Ruushka ee loo yaqaan Kremlin Dmitry Peskov ayaa sheegay in Ruushku diyaar u yahay inuu joojiyo dagaalka uu ka wado dalka Ukraine haddii Kiev ay oggolaato shuruudo saddex ah oo kala ah.

1-Inay is saxiixdo mucaahado ay ku caddaynayso in aanay dhanna raacsanayn, taasoo micneheedu yahay in aanay weligeed ku biiri doonin Gaashaanbuurta NATO.

2- Inay aqoonsato in Jasiirad u ekaha Crimea ay tahay dhul Ruushku uu leeyahay.

3- Inay u aqoonsato labada gobol ee Luhansk iyo Donetsk inay yihiin dalal madax bannaan.

Ra’isalwasaaraha Israel Naftali Bennett wuxuu u soo jeediyey madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy inuu aqbalo sharuudaha madaxweyne Putin si dagaalku u joogsado loona badbaadiyo Ukraine

Ukraine ayaa horey ugu gacan seyrtay damaca Ruushka, waxayna sheegtay iney tahay dal xor ah oo u madax banaan aayihiisa.

Madaxweynaha Ukraine ayaa la sheegay in hadii uu aqbalo shuruudahan ay ka dhigan tahay inuu galay dembi qiyaamo Qaran.

Dhinaca kale, Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibedda Ruushka ayaa digniin ku bixiyey in haddii Sweden & Finland ay ku biiraan gaashaanbuurta NATO ay yeelan doonto saameyn siyaasaddeed iyo mid dhaqaale

Ad
Previous articleAlshabaab oo Sheegtay Dilka 7dobobo Qof ajaanib ay ku jiraan
Next articleMuusa biixi oo Safar u aaday Maraykanka iyo Faahfaahin kasoo Baxaysa jeedka Safarkisa(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here