Home Wararka Maanta Alshabaab oo Sheegtay Dilka 7dobobo Qof ajaanib ay ku jiraan

Alshabaab oo Sheegtay Dilka 7dobobo Qof ajaanib ay ku jiraan

0

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa weerar khasaaro badan oo dhimasho ah dhaliyay waxa ay shalay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo Majengo oo katirsan gobolka Xeebta Lamu ee dalka Kenya.

War kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in weerarka ay ka fuliyeen deegaanka Majengo ku dileen lix qof oo u dhashay dalka Kenya iyo hal nin kale oo kasoo jeeday dalka Shiinaha.

“Ciidamada Mujaahidiinta ayaa weerar ay ka fuliyeen gobolka Lamu gaar ahaan deegaanka Majengo waxa ay ku dileem 6 qof gaalo Kenyaan ah iyo qof Shiinays ah” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa dhankeeda xaqiijisay weerarka Al Shabaab ka fuliyeen gobolka Lamu ee lagu dilay ninka Shiineeska iyo dad kale oo Kenyan ah, waxa ayna dowladda sheegtay in ciidamada wadaan howlgalo ka dhan ah kooxda weerarka fulisay.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa weerarka ka geestay goob mashaariic laga fulinayay gaar ahaan dhismaha waddo kasoo baxda Dekadda Lamu,  waxa ayna Al Shabaab halkaasi ku bur buriyeen agabyo iyo dhismayaal ay buundo ku jirto.

Ad
Previous articleDeg Deg : Ahlusuna Waljamaaca oo Maantay markale Hub Ka Furtay Dowlada Galmudug gudaha Dhuusamareeb.
Next articleRuushka oo Sadex Shuruud ku Xiray inuu Joojiyo Dagaalka Ka Socda Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here