Home Wararka Caalamka Ruushka oo Qarka U Saaran inuu Weeraro Dalka poland

Ruushka oo Qarka U Saaran inuu Weeraro Dalka poland

0

Iyadoo dagaalka Ruushka ee Ukraine, uu gaarey soohdinta Poland, ayaa dowladda dalkani arrintan waxey ku heysaa walwal.

Dowldada ayaa dareemeysa iney u nugushahay labadda dhinacee is haya, iyadoo tirada qaxootiga soo galaya dalkeeda ay sii kordhayaan, waxaana la weeraray saldhig ciidan oo u dhow xuduudka ay la wadaagto dalka Ukraine.

Iyadoo dowladda Poland ay noqoneyso dalkii uggu horeeyey ee soo dhoweeya qalalaasaha keenay qaxootiga uggu badan Yurub, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, kuwaasoo gaaraya in ka badan 1.7 milyan oo Yukreeniyaan ah, iyagoo doortey iney u qaxaan dalka Poland, sida lagu sheegay tirooyinkii ugu danbeeyey ee ay soo saartey Qaramada Midoobay.

Qaar kamid ah qaxootiga ayaa u gudbay dalal kale, laakiin intooda badan waxey doorteen iney isaga nagaadaan Poland, sababo la xiriira xagga dhaqanka, luqadda iyo xiriir ka dhaxeeya qoysaska. Natiijadii u danbeysay, ayaa muujinaysa in tirada dadweynaha ay korortey, iyadoo 15% ay sare u kacdey tcaasimadda Poland ee magaalada Warsaw tirada dadka kunool labaddii toddobaad ee ugu danbeysay.

Xagga amniga, waxaa jirta qeylo-dhaan. Dabayaaqadii toddobaadkan, Ruushka waxa uu duqeymo ka geystay saldhig military oo Ukraine ku leedahay Yavoriv, oo 16km u jirta xuduudka Poland.

Dowlada Poland ayaa waxey uga digaysay Reer Galbeedka muddo sanado ah in Ruushku uu qorsheynayo wax ka badalista dheelitirka awoodda Yurub, si iyaga u wanaagsan. Madaxda dowladda Poland, ayaa xiligii ay digniinaha noocan oo kale ah xiligii ay soo gudbinayeen lagu gacan seyrey. Laakiin iminka xaaladdu sidaa way ka duwan tahay.

Ad
Previous articleJoe biden oo Dabiile Dagaal ku Tilmaamay Madaxweynaha Ruushka xili ay Hawada Warar kulul isku Marinayaan
Next article10 askari oo kenyaan ah laguna Dilay Soomaaliya oo Cara Xoogan ka Abuuray Dalka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here