Home Wararka Caalamka Joe biden oo Dabiile Dagaal ku Tilmaamay Madaxweynaha Ruushka xili ay Hawada...

Joe biden oo Dabiile Dagaal ku Tilmaamay Madaxweynaha Ruushka xili ay Hawada Warar kulul isku Marinayaan

0

Dowladda Mareykanka ayaa qaaday tallaabooyin u muuqda mid ay kusii kala fogaanayaan dowladda Ruushka oon xiriir wanaagsan kala dhaxeyn xilligan, waxaana madaxda labada dal hawada isku marinayaan hadalo kul kulul.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Joi Biden ayaa kordhiyay hadalada adag uu u adeegsanayo dhigiisa dalka Ruushka, waxa uuna ku tilmaamay Madaxweyne Vladimir Putin in uu yahay Dambiile dagaal.

Joi Biden ayaa sidoo kale aqbalay codsi uga yimid dowladda Ukraine oo ku aadanaa in uu siiyo caawinaad milatari, waxa uuna Madaxweynaha Mareykanka saxiixay $800 milyan oo gargaar ah oo ay ku jiraan noocyo kala duwan oo hub iyo qalabka difaaca ah.

Afhayeen u hadlay dowladda Ruushka oo lagu magacaabo Dmitry Peskov, ayaa ku tilmaamay hadalka Madaxweynaha Mareykanka kasoo yeeray mid aan la aqbali karin sidoo kalana aan la cafin karin.

Dowladda Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida weyn uga hor yimid duullaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine, waxa ayna Mareykanka cunaqabateyn kusoo rogeen Ruushka iyagoo dhinaca kalana taageero kala duwan u fidinaya Ukraiane.

Ad
Previous articleQoorQoor oo Fariin Culus u Diray Xildhibaanada Laga Soo Doortay Deegaanada Galmudug
Next articleRuushka oo Qarka U Saaran inuu Weeraro Dalka poland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here