Home Wararka Caalamka Ruushka oo isku Dayaaya inuu ay dhulka ku daraan ​​ Dhammaan ciidamada...

Ruushka oo isku Dayaaya inuu ay dhulka ku daraan ​​ Dhammaan ciidamada ee Gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

0

Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in tiro badan oo ka mid ah ciidamada Ruushka ay hadda diiradda saareen hawlgalkii ay muddo dheer isku diyaarinayeen.

Goor sii horreysay, Golaha Ammaanka Qaranka ee Ukraine ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay isku dayeen in ay dhulka ku daraan ku dhawaad​​ dhammaan ciidamada jiidaha hore ee gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.

Weerarkan ayaa ahaa mid la filayey muddo dheer kadib markii Ruushka uu ku guul daraystay inuu qabsado Kyiv.

Ruushka ayaa markii hore u muuqday in uu doonayay in uu qabsado magaalooyinka waaweyn ee Ukraine oo uu afgambiyo dowladda.

Hase yeeshee ka dib markii ay la kulmeen iska caabin adag, saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ujeeddooyinkoodii ugu muhiimsanaa ee “marxaladda koowaad ee hawlgalka” ay “guud ahaan u qabsoomeen” sidaa darteedna ciidamadooda laga soo raray aagagga caasimadda.

Waxay ku dhawaaqeen qorshayaal cusub oo diiradda lagu saarayo duulaanka “xoreynta” gobolka Donbas ee ku hadla afka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladmir Putin ayaa duulaanka ku tilmaamay mid la doonayo in ciidamada looga saaro dalka Ukrain, taasoo Ukraine iyo xulafadeeda ay ku gacan seyreen ayna ku tilmaameen weerar aan markii hore loo meel dayin.

Maalintii isniinta oo dhan, Ruushka waxa uu tiro gantaalo iyo madaafiic ah ku garaacay qaar ka mid ah degaannada bariga, siddeed qof oo rayid ah ayaana lagu dilay magaalada Kreminna ee Luhansk iyo aagga Donetsk.

Toddobo qof ayaa ku dhintay kow iyo toban kalena waa ay ku dhaawacmeen afar weerar oo Ruushku ka geystay galbeedka Lviv, magaaladaas oo inta badan laga badbaadiyay weerarradii ka dhacay meelaha kale ee Ukraine.

Guddoomiyaha gobolka Luhansk ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay “mid aad u adag oo ku tilmaamay inay tahay wax cadaabta la mid ah”, iyadoo dagaallo joogto ah laga soo sheegayo magaalooyinka qaar.

Magaalada labaad ee Ukraine ee Kharkiv, guddoomiyaha gobolka ayaa sheegay in daadgureynta dadka rayidka ah ay ka socoto meelaha la filayo in isku dhacyo xooggan ay dhacaan.

Saraakiisha difaaca ee Ruushka ayaa sheegay in ciidamadoodu ay habeenimadii Axadda duqeeyeen boqolaal bartilmaameedyo millatari oo ku yaal Ukraine, oo ay ku jiraan 16 xarumood oo militari oo ku yaal Kharkiv, iyo Donetsk, iyo sidoo kale deked ku taal Mykolayiv oo ku taal koonfurta iyo bariga Ukraine.

Moscow ayaa bishii hore sheegtay inay maamusho 93% Luhansk iyo 54% Donetsk, ayna filayaan in ciidamadeeda ay isku dayaan inay hareereeyaan ciidamada Ukraine ee ku haray gobolka.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleCiidamada Galmudug oo Cagta Mariyay Saldhigyo Alshabaab lahaayeen Qabsadayna Magalooyin
Next articleMaamulka Degmada Kaxda oo shaaca Ka Qaaday xog ku aadan dilka Abwaan Beddel