Home Wararka Maanta Maamulka Degmada Kaxda oo shaaca Ka Qaaday xog ku aadan dilka Abwaan...

Maamulka Degmada Kaxda oo shaaca Ka Qaaday xog ku aadan dilka Abwaan Beddel

0

llaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Marxuum Abawaan Beddel Jaamac Xirsi oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliyeed, kaas oo xalay lagu dilay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa waxaa toogasho ku dilay rag ku hubeysnaa bistoolado, kuwaas oo goobta ka baxsaday, xilli ay ku beegneyd afurkii, gaar ahaan mar laga soo baxay Salaaddii Maqrib.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda Maxamed Yuusuf oo ka qayb-galay Aaska ayaa ka hadlay dilka Abwaanka, wuxuuna tacsi u diray ehellada iyo Ummadda Soomaaliyeed.

“Runtii waa Geeri aad u xanuun badan, waana uga tacsiyeyneynaa qaraabada, ehellada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Yuusuf.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku raad joogaan raggii ka dambeeyey dilka loo geystay Abwaan Beddel Jaamac, ila-markaana ay hayaan xogtooda, ayna gacanta kusoo dhigi doonaan, si loo horkeeyo maxkamada, loogana qaado tallaabo waafaqsan sharciga.

“Waxaan caddeyneynaa Abwaan Bedal gacantii dishay, haddii Ilaahey raalli ka noqdo in lagu tegi doono. Raadad ayaan heynaa, xogo ayaan heynaa waana ku tegi doonaan,” ayuu nar kale yiri guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Ad
Previous articleRuushka oo isku Dayaaya inuu ay dhulka ku daraan ​​ Dhammaan ciidamada ee Gobollada Donetsk, Luhansk iyo Kharkiv.
Next articleSheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo iska Casilay Xil uu uhaayay Xisbig Himio Qaran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here