Home Wararka Caalamka Ruushka oo hawada sare ku xiray YouTuber caan ah

Ruushka oo hawada sare ku xiray YouTuber caan ah

0

YouTuber u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa lagu xiray xarun hawada sare ah oo uu Ruushku maamulo oo ku taal Kazakhstan, sida ay saraakiishu sheegeen.

Benjamin Rich, oo caan ku ah kanaalka socdaalka ee Bald and Bankrupt, ayaa laga qabtay xarun ku taalla Baikonur Cosmodrome, sida uu sheegay madaxa wakaaladda hawada sare ee Ruushka Roscosmos.

Dmitry Rogozin ayaa sheegay in Mr Rich lagu samaynayo baaritanno la xirriira “falal sharci darrada ah oo uu gaystay”. Xafiiska Arrimaha Dibadda UK ayaa dhankiisa sheegay in ay baarayaan sababta loo xiray Mr Rich.

Haweeney lagu magacaabo Alina Tseliupa oo la sheegay inay ka timid Belarus ayaa sidoo kale la qabtay. Labadan qof ayaa lagu hayay waaxda arrimaha gudaha ee Baikonur, oo qiyaastii 1,100 km (680 mayl) koonfur-galbeed ka xigta caasimadda Kazakhstan ee Nuur-Sultan.

Kanaalka YouTube-ka ee Mr Rich, ayaa waxaa ku xiran dad ka badan 3.5 milyan oo qof.

Dhammaan duullimaadyada saldhigga hawada sare ee isticmaalaya gantaallada Ruushka waxaa laga soo duuliyay Baikonur Cosmodrome, taas oo u furan dalxiisayaasha ogolaanshaha ka haysta Roscosmos.

Dhismaha dayax-gacmeedka ayaa ah meeshii ugu horreysay ee dayax-gacmeedkii ugu horreeyay, Sputnik 1, laga diray 1957-kii.

Magaalada Berbera Wiil Dhallinyaro ah oo Jaceyl Dartiis Dab isku Qabadsiiyay

Wiil dhallinyaro ah oo ku nool magaalada Berbera ee Somaliland ayaa dab is qabadsiiyay, kadib markii uu khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo gabadh uu jacayl ka dhexeeyay Jimcihii shalay.

4 Qof oo ugu geeriyootay Xanuun aan la ogeyn Gobolka Karkaar ee Puntland

Wararka ka imaanaya Degmada Rako Raaxo oo ka tirsan Gobolka Karkaar ee Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka dilaacay Xanuun safmara oo aan weli la aqoonsan si deg deg

Maxaa Keenay cabsida laga qabo in uu Dagaal ka dhex qarxo Itoobiya iyo Ereteriya?

Kadib muddo dhowr sano ah oo laga nastay xurguftii muddada dheer ka dhexaysay Itoobiya iyo Ereteriya, mar kale dhinacyada ayaa isku hub urursanaya, iyada oo laga cabsi qabo in dagaal

Madaxweyne Galmudug oo ku baaqay in loo Midoobo Dhameestirka Kooxda Shabaab

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo la hadlaayay Shacabka Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay in Al shabaab ay marayaan waqtiyadoodi ugu dambeeyay kaliya loo baahan yahay in loo midoobo

NISA oo faah faahin ka bixisay duqeymo 24 kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay Shabeelooyinka

War ay soo saartay Hay'adda NISA ayaa lagu sheegay in Howlgal duqeyn ah oo ay iska kaashadeen Ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ee NISA, iyo Ciidamada Xoogga dalka ay
Ad
Previous articleShariif Sheekh oo noqday murashaxii ugu horeeyay ee qaatay shahaadada murashaxnimada madaxweynaha
Next articleMusharixii labaad ee Qaatay Shahaada Musharaxnimo ee Madaxweynaha Soomaaliya