Home Wararka Caalamka Ruushka oo Go,aan Cusub ka Qaatay Dagaalkii u k Waday Ukrain

Ruushka oo Go,aan Cusub ka Qaatay Dagaalkii u k Waday Ukrain

0

Afhayeenka Kremliin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in  Moscow ay rajeynayso in hawlgalka milatariga Ruushka ee ka socda Ukraine la soo afjarayo maalmaha soo socda ama mustaqbalka dhow.

Dmitry Peskov ayaa intaa raaciyay  ciidamada Ruushka ay gaari doonaan hadafka ay ka leeyihiin Ukraine ama Moscow iyo Kiev ay qarka u saaraan yihiin heshiis wax ku ool ah oo colaada lagu soo afjaro

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in sharciga la horkeeno dadkii ka dambeeyay fal-dambiyeedkii ka dhacay degaanka Donbas, isagoo dhinaca kale waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha ku saabsan in ciidamada Raashiya ay geysteen dilal wadareedyo.

Ruushka ayaa hadda ka dalbaday Ukraine inay si rasmi ah ugu dhawaaqdo inay tahay dal dhexdhexaad ah oo aan waligiis ku biiri doonin ciidamada NATO ee uu hoggaamiyo Maraykanku.

Ad
Previous articleMarxuum Mahad Farabadan oo lagu Dilay Bartamha Magaalada Caabudwaaq
Next articleQoorQoor iyo Wadinu Hogaamjnaayo Oo Gaaray Baydhabo(Sawiro)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here