Home Wararka Somaliya Galmudug Marxuum Mahad Farabadan oo lagu Dilay Bartamha Magaalada Caabudwaaq

Marxuum Mahad Farabadan oo lagu Dilay Bartamha Magaalada Caabudwaaq

0

Degmada Caabudwaaq ee gobolka Gedo waxaa saaka lagu dilay mid kamid ah Darawalada Gaadiidka Jaadka ( Khaadka) keena degmadaas sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Marxuum Mahad Farabadan ayaa waxaa la sheegay in dilkiisa uu ka dambeeyay Nin ay saaxiibo ahaayeen ka dib khilaaf soo kala dhex galay.

Goob joogayaal ku sugan degmada Cabudwaaq ayaa sheegay in Ninka la dilay iyo kan wax dilay ay wada isticmaalayeen waxyaabaha Maanka dooriya taasoo keentay inay is khilaafaan ka dibna midkood la dilo.

Ninka dilka geystay ayaa la soo sheegayaa inuu baxsaday, iyadoo saraakiisha Amniga degmada Cabudwaaq ayaa sheegeen inay ku raad joogaan Ninka baxsaday.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo Ku Wajahan Magaalada Baydhabo iyo Faahfahin kasoo Baxaysa Safarkiisa
Next articleRuushka oo Go,aan Cusub ka Qaatay Dagaalkii u k Waday Ukrain

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here