Home Wararka Caalamka Ruushaka oo Cunuqabatayntii Ugu Horaysay oo Lagu Soo Rogay Xili uu kaabiga...

Ruushaka oo Cunuqabatayntii Ugu Horaysay oo Lagu Soo Rogay Xili uu kaabiga Ku haaya Ukrain

0

Dowladaha reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Mareykanka iyo Britain ayaa ku dhawaaqay cunaqabateyn dheeri ah oo ka dhan ah Ruushka.

Arrintan ayay Galbeedku uga jawaabayaan tallaabadii uu madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Isniintii ku ictiraafay madaxbannaanida gobollada Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.

Ingiriiska ayaa durbaba billaabay cuna-qabateynta ka dhanka ah Russia, isaga oo goor dhaweyd xayiraaad saaray shan banki iyo saddex maal-qabeen oo Ruush ah. Mareykanka ayaa lagu wadaa in saacadaha soo scoda uu ku dhawaaqo cuna-qabateyn cusub oo ka dhan ah Ruushka.

Midowga Yurub ayaa iyana qaadi doona tallaabo taas la mid ah, iyadoo Jarmalku Joojiyey  Dhuunta Gaasta ee Nordstream Kaasoo ay kasoo qaadanayeen Ruushka .

Weerar toos ah oo ay qaadaan ciidamada Ruushku waxa uu sababi karaa sameyn badan oo xagga tamarta iyo qiimaha cuntada ah ee aduunka, waxa uuna sii kordhin karaa cabsida sicir-bararka iyo maal-gashadayaasha, taa oo khatar gelineysa maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha caalamka.

Ruushka waa wadan ay ku nool yihiin 146 milyan oo qof ,waxaa uuna leeyahay hub aad u weyn oo nukliyeer ah, iyo sidoo kale waa wadanka shidaalka ay ka qaataan wadamada yurub iyo qaar badan oo kamid ah alaabta ceyriinka ah ee ay inta badan ku tiirsan yihiin warshadaha wadamo badan,laakiin si la mid ah Shiinaha, oo ah xarun wax soo saar leh Ruushka saameytiisa dhaqale sidaa uma u weyno.

Ad
Previous articleVilla Soomaaliya oo Guul Daro Wayn kala Kulantay kala Qaybinta Gudiga Doorashooyinka oo ilaa Shalay ku Howlanayd
Next articleDil aad looga naxay oo Ka dhacay Magaaalada Baraawe