Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Dil aad looga naxay oo Ka dhacay Magaaalada Baraawe

Dil aad looga naxay oo Ka dhacay Magaaalada Baraawe

0

Wararka ka imaanaya magaalada Baraawe ee caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaasi askari katirsan ciidanka booliiska uu ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Askariga dilka geestay oo la sheegay in uu cabsanaa ayaa muran waxaa dhax maray isaga iyo wiil dhalinyaro ah, muranka kaddib ayaana la sheegay in askariga dilay wiilka la murmay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Kenya.

Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda magaalada Baraawe Ismaaciil Cabdullaahi Jaadane ayaa sheegay in askariga dilka geestay uu baxsaday, waxa uuna xusay in ciidamada ammaanka wadaan howlgalo lagu soo qabanayo askariga dilaaga ah.

Shacabka ku dhaqan magaalada Baraawe ayaa aad uga naxay dilka wiilka dhalinyarada ah loogu geestay magaalada Baraawe, waxa ayna shacabka dareen cabsi ka muujiyeen ciidamada maandooriyaha isticmaala ee mararka qaar dilalka iyo dhaca u geesta

Ad
Previous articleRuushaka oo Cunuqabatayntii Ugu Horaysay oo Lagu Soo Rogay Xili uu kaabiga Ku haaya Ukrain
Next articleSacuudi Carabiya oo Markii ugu Horaysay laga Xusay aasaaskii Boqortyooada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here