Home Wararka Somaliya Jubbaland Rooble oo Magacaabay 7 Xubnood oo Maalmahaan laga Sugaayay(Aqriso)

Rooble oo Magacaabay 7 Xubnood oo Maalmahaan laga Sugaayay(Aqriso)

0

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi qiimayn iyo baaris ku sameeya xaaladda amni ee deegaan doorashada labaad ee Jubbaland.

Guddigaan ayaa ka kooban Todaba xubnood waxaana lagu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisulwaaraha dalka Maxamed Rooble.

Magacaabista guddigaan ayaa ku soo aadday xilli weli khilaaf uu ka dhex taagan yahay maamulka Jubbaland iyo maamulka gobalka Gedo.

Garbahaarreey ayaa waxaa taalla 16 kursi oo kamid ah kuraasta golaha shacabka baarlamaanka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo horey ciidan ahaan ula wareegay Garbahaarey ayaa doonayo inuu gacanta ku dhigo kuraastaas, halka Axmed Madoobe uu arrintaas kasoo horjeedo.

Lama ogo go’aanka ay qaadan karaan guddigaan la magacaabay, balse waxaa muuqato in arrinta Garbaaharey ay tahay mid culus oo waqti badan qaadan doonto, waxayna u badan tahay inuu guddiga soo saaro qoraal sheegaya inaan Garbahaarey doorasho lagu qaban karin.

 

Halkaan hoose ka akhriso wareegtada kasoo baxday Rooble

Ad
Previous articleCiidamonTabar Sare Haysta oo Maantay Dalka Dib loohu Soo Celiyay
Next articleDeg Deg: Galmudug oo Shaacisay Qaar ka Mid ah Kuraastii Taalay Magaalada Gaalkacyo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here