Home Wararka Maanta CiidamonTabar Sare Haysta oo Maantay Dalka Dib loohu Soo Celiyay

CiidamonTabar Sare Haysta oo Maantay Dalka Dib loohu Soo Celiyay

0

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga ,taa oo waday ciidamo katirsan kumaandooska Soomaaliya ee Gorgor oo tababar kusoo qaatay dalka Turkiga.

Saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa ciidamada Turkiga ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay ciidamada Gorgor ee dalka dib ugu soo laabtay.

Qaar kamid ah saraakiisha ciidanka xoogga Soomaaliyeed oo ka hadlay munaasabada soo dhaweynta ayaa uga mahadceliyay Turkiga tababar ay siiyeen ciidamada Gorgor , waxa ayna ciidamada kula dardaarmeen in ay kasoo baxaan waajibaadka qaran ee loo igmaday.

Dowladda Turkiga ayaa gudaha Soomaaliya gaar ahaan xerada Turkisom iyo dalkeedaba ku tababarta ciidamo katirsan milatariga iyo Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan Gorgor iyo Haramcad.

Ad
Previous articleKenya oo wlaac Xoogan ka Muujisay Heshiis ay gashay Dowlada Federalka Soomaaliya
Next articleRooble oo Magacaabay 7 Xubnood oo Maalmahaan laga Sugaayay(Aqriso)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here