Home Wararka Maanta P.M Rooble oo Casha Sharaf u Sameeyey Xildhibaanada Gobalada Wooqooyi oo Dhawaan...

P.M Rooble oo Casha Sharaf u Sameeyey Xildhibaanada Gobalada Wooqooyi oo Dhawaan Lasoo Dòortay(Sawiro)

0

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada dhawaan la doortay ee Labada Aqal ee Baarlamanka ku matalaya Gobollada Woqooyi ee Somaliland.

Rooble ayaa ku bogaadiyey xubnaha reer woqooyiga sida ugu dedaaleen xalinta khilaafaadkii kala duwanaa ee soo shaac baxayey intii ay doorashadu socotay iyo habkii loo dhameystiray.

“Waad ku amaan tihiin inaad noqteen degaan doorashadii ugu horeeyey ee soo dhameystira doorashada labada aqal, waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad noqotaan dad la yimaada metelaad dhab ah” ayuu yiri Rooble.

Rooble ayaa xildhibaannada Labada Aqal ee BFS ku matalaya Somaliland, kula dardaarmay isku duubni iyo in ay kaalintooda ka qaataan in dalku helo hoggaan karti leh oo samata bixiya.

Guddiga Doorashada xubnaha gobolada woqooyi ayaa soo dhameeyey doorashada 46 kursi oo ka tirsan Golaha shacabka kuwaasoo 23 ay ka cusub yihiin halka 23-ka kale ay yihiin xildhibaano difaacday kuraastooda.

Ad
Previous articleHaweeneey ku geeriyootay Mashaqo argagax leh oo Ka Dhacday Muqdishu(Sawiro)
Next articleDeg deg Ruushka Oo Weeraray UKrain iyo Dagaalo Qaraar oo Bilowday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here