Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Roobab xooggan oo sababay dhimasho & burbur oo ka da’ay Magaalada Baydhabo

Roobab xooggan oo sababay dhimasho & burbur oo ka da’ay Magaalada Baydhabo

0

Roobab ka da’ay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa sababay in daadad ay ku dhuftaan qaybo ka mid ah magaalada Baydhabo, kuwaas oo galaaftay nolosha hal qof halka nolol iyo geeri lagu la’yahay tiro kale.

Dhacdadaan ayaa daba socota digniin dhawaan ka soo baxday Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, iyada oo ku boorisay muwaadiniinta inay ka digtoonaadaan ifafaalaha cimilada El Nino oo ku soo fool leh.

Toddobaadkii hore Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka dadka kula talisay in ay feejignaadaan waxayna soo saareen digniino meelaha nugul si loo kobciyo iskaashiga iyo u diyaargarowga bulshada.

Bilowga bishaan ayaa la filayaa in guud ahaan Soomaaliya ay ka da’aan Roobka Deyrta kaas oo wata dabaylo, sida ay sheegayaan Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, oo soo saartay digniino ku saabsan Roobabkaan.

Ad
Previous articleGolaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya oo Meel Mariyay Hindise Sharciyeedyo Muhiim ah
Next articleWar naxdin leh oo farriin u ah dadka doonaya inay Mareykanka galaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here