Waxaa maanta magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo lagu aasay labo gabdhood oo walaalo ahaa, kuwaas oo ku geeriyooday daadad ku soo rogmaday magaalada.
Inta badan magaalooyinka gobolka Gedo oo ay ugu horeeyaan Ceelwaaq, Baardheere iyo Luuq waxaa ku dhuftay daadad xoog leh oo dhashay roobka Deyrta ee ka curtay Soomaaliya.
Dad badan ayaa ku dhintay, kuwo kale ayey waxyeelo ka soo gaartay, halka guryo iyo xoolo ay la tageen roobabkii maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.
Roobka Deyrta oo kol sii horeysay ka curtay Soomaaliya ayaa guud ahaan dalka uga da’aya si maalinle ah.
Meelaha qaar waxaa laga soo werinayaa daadad xoog leh, sida gobollada Bay iyo Gedo, halka meelaha qaar ay ku fataheen wabiyada, si gaar ah wabiga Jubba.
Magaalooyinka Khasaaraha nafeed laga soo weriyey waxaa ka mid ah Baydhaba oo daadad xoog leh ay ku dhufteen, kadib markii uu ka da’ay roob ma hiigaan ah.
Magaalooyin kale oo ay ugu horeyso Beledweyne ayaa laga cabsi qabaa inay ku dhuftaan fatahaado uu geysto wabiga Shabeelle, sida ay saadaalinayaan hey’adaha la socda saameynta roobabka.
Sida laga soo xigtay FAO SWALIM Feejignaanta Fatahaadaha, roobab mahiigaan ah ayaa laga filayaa gobollada Gedo, Baay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Mudug.