Home Wararka Somaliya Somaliland Raysulwasaare Rooble oo Si kulul ula Hadlay Dad uu ku sheegay inay...

Raysulwasaare Rooble oo Si kulul ula Hadlay Dad uu ku sheegay inay Doorashada Carqaladaynayaan

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in xaaladda cakiran ee dalka Soomaaliya kaliya looga gudbi karo in dalka ay ka dhacdo doorasho heshiis lagu yahay.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in is jiidjiidka doorashada ay sababeen hoos u dhac ku yimid Ganacsiga dalka, wuxuuna sicad u sheegay in doorashada kadib waxkasta ay sidooda ku soo laaban doonaan.

“Dad baa ka shaqeynaya iney doorashada carqalad geliyaan, iyagoo wata ajendayaal u gaar ah ama dano gaar ah leh, cadaalada wey naga go’an tahay, cid kasta oo hufnaanta doorashada caqabad u aragta kama yeelayno” ayuu yiri Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in ka xukuumad ahaan ay ka go’an tahay in dalka doorasho ka dhacdo, sidoo kalena ay jiraan dad doonaya inay doorashada hakiyaan oo qorsho kale ka dhex raadinaya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo shalay lagu qabtay Muqdisho kaasoo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin amniga dalka, dardargelinta iyo hufnaanta doorashooyinka.

Ad
Previous articleFaah-Faahin Dagaalka ka Dhacay Degmada Matabaan oo Khasaaro ka dhashay
Next articleKiisaska Crona Virus oo Si Xoowli ah Usoo laba kacleeyey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here