Home Wararka Maanta Kiisaska Crona Virus oo Si Xoowli ah Usoo laba kacleeyey

Kiisaska Crona Virus oo Si Xoowli ah Usoo laba kacleeyey

0

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta todobaadkii u dambeeyay ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 363 xaalado cusub oo COVID-19 ah todobaadki la soo dhaafay, waxaana ka bogsatay 55 ruux.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay Gobalka Banaadir (343), Somaliland (14), Jubbaland (4) iyo Puntland (2) qof ah, 244 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 119-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 23, 532 waxaa bogsootay 12,948 Ruux. guud ahaan 1,333 ruux oo kale ayaa u geeriyootay cudurka.

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa bulshada ka codsatay inay qaataan talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19, ayna ku dadaalaan qaadashada talaalka cudurka.

Ad
Previous articleRaysulwasaare Rooble oo Si kulul ula Hadlay Dad uu ku sheegay inay Doorashada Carqaladaynayaan
Next articleQoyska Marxuum Ikraan Tahliil oo Markale Maantay Warkaso Saaray Kiiska Gabadhooda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here