Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Raysulwasaare Rooble oo Si adag uga Hadlay Dilka Xildhibaano Cawa lagu laayay...

Raysulwasaare Rooble oo Si adag uga Hadlay Dilka Xildhibaano Cawa lagu laayay Baladweyne Amar Degdeg ahna Bixiyay

0

Raysulwasaare Rooble ayaa Sidaan yiri.

 

 

Waxaan erayada ugu adag ku cambaareynayaa falkii argagixiso ee caawa lala beegsaday Allaha u naxariistee xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay Baladweyne.

Waxaan murugada la qeybsanayaa ugana tacsiyeynayaa qoyskeedii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed geerida Xildhibaan Aamina.

Waxaan farayaa hay’adaha amniga ee ku shaqada leh in ay baaritaan waafi ah ku sameeyaan sidii uu u dhacay falkan waxshinimo ee lagu dilay xildhibaanadda.

Xildhibaan Aamina oo tusaale u ahayd matalaadda shacabka iyo baadi doonka caddaaladda, waxay dadkeeda iyo dalkeeda ugu soo shaqeysay sida ugu wanaagsan ee karaankeeda ah.

Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu jannadii Firdows ugu deeqo, ehelkeeda iyo ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ka siiyo.

Ad
Previous articleXildhibaanad Si Wayn Uga Soo Horjeeday Fahad iyo Farmaajo oo Goordhow la Qaarijiyay
Next articleWararkii ugu danbeeyay ee ku soo kordhay qaraxyadii ka dhacay Baladweyne iyo khasaaraha ka dhashay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here