Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la yeeshay Wakiillada Beesha Caalamka ee C6+ oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah oo khuseeya dhammeystirka, daahfurnaanta iyo amniga doorashada dalka.
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in doorashadu ku soo idlaato xilligii loo qorsheeyay iyo in aan cidna lagu xad gudbin.
Mar uu ka hadlayay qoontada haweenka ee Golaha Shaacabka ayuu Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo qoontada haweenka ee 30%, taas oo hadda gaarsiisan 21%.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale ku celiyay in aan la aqbali doonin in ciidammada amnigu ku milmaan arrimaha doorashada ama loo adeegsado in dad gaar ah kuraas loogu boobo, waxa uuna ku boorriyay ciidammadu in ay ekaadaan kaalintooda sugidda amniga.
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday