Home Wararka Maanta Ra’isul Wasaare Xamze ” waa in la garab istaaga dadka abaartu saameysay...

Ra’isul Wasaare Xamze ” waa in la garab istaaga dadka abaartu saameysay “.

0

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamze cabdi Barre oo ka hadlayay Munaasabadda  ciida Ayaa ku baaqay in la caawiyo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Qoraal ka soobaxay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa lagu yiri” Waxaan munaasabadda Ciidul-adxaa awgeed u hambalyeeynayaa guud ahaan Ummadda Islaamka ah gaar ahaanna Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida kaga suganyihiin. Waxaana Eebbe ka baryayaa in uu dhammaanteen innaga aqbalo acmaasha wanaagsan ee aan soo gudannay, Rabbina acmaasha xajka haka aqbalo xujayda gudanaaya waajibaadka xajka.

Waxaan si gaar ah hambalyo ugu dirayaa geesiyaasha ciidammada qalabka sida ee had iyo jeer heeganka ugu jira difaaca dalkeenna iyo la dagaalanka argagixisada dadka iyo dalka dhibaatada ku haya.

Waxaan ugu baaqayaa ganacsatada, Qurba-joogta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed in ay caawiyaan danyarta una gurmadaan dadka ay abaaruhu saameeyeen oo ku sugan xaalad nololeed oo aad u adag.

Ad
Previous articleMadaxweynaha Galmudug oo ka hadlay Munaasabada Ciidda
Next articleMadaxweyne Xasan Shiikh oo Maamul Goboleedyada Ku amray Inay Weeraraan Alshabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here